Wasiirka wasaaradda waddooyinka iyo gaadiidka ee dalka Kipchumba Murkomen ayaa darawaliinta iyo wadayaasha mootooyinka ku boorriyay in ay muujiyaan habdhaqan sare oo looga badbaadi karo saameynta shilalka.
Waxaa uu dhacdooyinka shilalka ee laga soo tabiyo gudaha wadanka u aaneeyay in aan loo hoggaansamin xeerarka waaxda taraafikada.
Murkomen ayaa tusaale u soo qaatay xamuulka ama rakaabka xad dhaafka ah ee ay gaadiidleyda qaadaan.
Wasiirka ayaa kenyaanka ku boorriyay in ay mas’uuliyad wadareed muujiyaan si looga baaqsado dhimashooyinka la xiriira shilalka waddooyinka.