Wasiirka wasaaradda gaashaandhigga ee dalka Aadan Barre Ducaale ayaa carrabka ku adkeeyay in dowladda dhexe ay ka go’an tahay cirib tirka falalka burcadnimo ee saameeyay Waqooyiga gobolka Rift Valley.
Ducaale ayaa xusay in howlgallada amni ee ka socdo ismaamullada ay ka midka yihiin Baringo, Elgeyo Marakwet iyo Samburu looga gol-leeyahay in lagu soo celiyo xasiloonidii jirtay.
Wasiirka oo halkaasi socdaal ku tagay ayaa cadeeyay in laga guulaysan doono burcadda dilalka iyo dhaca xoolaha ka gaysanaya 6 ismaamul.
Ducaale ayaa sheegay in saraakiisha ammaanka ee ay hor kacayaan militariga aynan ka soo bixi doonin goobaha ay ku sugan yihiin ilaa iyo inta si buuxda looga adkeynaya ammaanka waqooyiga Rift Valley.
Defence CS, Hon. Aden Duale has today, 08 March 2023, reaffirmed the government ’s commitment to end banditry, restore peace and normalcy in the six counties declared as dangerous and disturbed during his visit to ‘Operation Maliza Uhalifu’ North Rift. https://t.co/E3vTc8snJJ pic.twitter.com/eFgTCMylgz
— Kenya Defence Forces (@kdfinfo) March 8, 2023