Wasiirka difaaca ee Faransiiska oo safar ku tagaya bariga dhexe

0
277

Wasiirka wasaaradda gaashaandhigga ee dalka Faransiiska Sebastien Lecornu ayaa lagu wadaa inuu safar ku tago Bariga Dhexe.
Waxaa uu safarka ku matalaya madaxweynaha wadankaasi Emmanuel Macron.
Waxaa uu kulamo la qaadan doonaa madaxda waddamada Bariga Dhexe si looga arrinsado xaaladda ka taagan Qaza.
Kulamada ayaa sidoo kale diiradda lagu saari doonaa arrimo dheeraad oo la xiriira amniga gobolkaasi.
Safarkiisa ayaa ka billaabanaya Masar wuxuuna Jimcada ku soo gabagabeyn doonaa Israa’iil.
Jimcihii ayay ahayd markii madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron oo wareysi siinayay warbaahinta BBC-da uu Israa’iil ugu baaqay inay joojiso duqeymaha ay ka wado Qaza iyo in halkaasi ay ka dhaqan gasho xabbad joojin degdeg ah.