Wasiirka wasaaradda difaaca ee dalka Aadan Barre Ducaale ayaa qoraal ku sheegay in barnaamijyada qaybta ka ah qorshaha horumarineed ee dowladda ee lagu wanaajinayo adeegyada dhaqan-dhaqaale ee bulshada xoolo dhaqatada ay ka mid tahay in bisha Diseembar ee sanadkan la daahfuri doono ballaarinta waddada isku xirta Isiolo – Modogashe- Habaswein – Wajeer ilaa Mandera.
Waxaa uu qorshuhu yahay in laami la saaro waddada u dhexeysa Lamu – Garissa iyo Isiolo ee qaybta ka ah mashruuca LAPSSET.
Sidoo kale waxaa ismaamulladan laga qodi doonaa ceel biyoodyo waawayn oo laga hirgelinaya goobo istaraatiiji ah.
Ducaale ayaa xusay in qorshaha dowladda dhexe ay ka mid tahay in keydka qaran ee korontada ee National Grid in la gaarsiiyo ismaamullada Wajeer iyo Mandera.
Waxaa maalgelin ballaaran lagu sameyn doonaa wax soo saarka xoolaha iyo arrimaha waxbarashada ee gobolka Waqooyi Bari iyadoo macallimiin dheeraad oo gobolka ka soo jeedo ay ku biirayaan machadyada lagu tababaro macallimiinta.
Ugu dambeyn waxaa dowladda dhexe ee dalka u qorsheysan inay xoojiso amniga Waqooyi Bari si loola tacaalo khatarrada argagixisada.