Wasiirka difaaca dalka oo safar 4 cishe ah berri ugu ambabaxaya Maraykanka

0
211

Wasiirka wasaaradda gaashaandhigga ee dalka, Aadan Barre Ducaale ayaa waxaa berri u billaabanaya safar rasmi oo afar cishe ah oo uu ku tagi doono Maraykanka.
Waxaa halkaasi ku qaabilaya dhigiisa xukuumadda Washington Lloyd Austin III.
25-kii bishii Sagaalaad ee sanadkii hore ayay ahayd markii ay Kenya iyo Maraykanka wada saxiixdeen habraaca iskaashiga difaaca.
Nidaamkan ayaa loogu talagalay inuu shaqeeyo laga soo billaabo sanadkii hore ilaa sanadka 2028-ka.
Dhinacyada ay Kenya iyo Maraykanka ka wada shaqeynayaan waxaa ka mid ah tiknooloiyadda iyo hal-abuurka gaashaandhigga.
Tani ayaa looga gol-leeyahay in militariga labadda wadan ay iska kaashadaan in caqabadaha amni ee soo kordhaya looga falceliyo si wax ku ool ah.
Waxaa la filayaa in Ducaale iyo Austin ay ka wada hadlaan amniga gobolka , la dagaallanka argagixisada , saameynta isbeddelka cimillada , arrimaha badda , tababarro si wadajir ah loo bixinaya iyo fursadaha dhanka difaaca ee jira.
Maraykanka ayaa horay u ballan qaaday inuu ciidamada difaaca ee dalka ee (KDF) ka caawin doono dhanka dhaqaalaha iyo tasiilaadka.
Wasiir Ducaale ayaa sidoo kale lagu wadaa inuu kulan la qaato sii hayaha xilka xoghaye ku xigeenka arrimaha dibadda ee Maraykanka Ambasadoor Victoria Nuland, xubnaha golaha qaran ee amniga ee Maraykanka iyo senatarro.
Sidoo kale wasiir Ducaale ayaa khudbad ka jeedin doono jaamacadda gaashaandhigga ee Maraykanka ee magaaladaWashington DC.