Wasiirka dhulalka oo maanta furaya shirka guddiga fulinta ee hay’adda qaramada midoobay ee arrimaha hooyga

0
179

Wasiirka wasaaradda dhulalka , howlaha guud , guriyeynta iyo horumarinta magaalooyinka Zachariah Njeru ayaa lagu wadaa inuu saaka si rasmi ah u furo shirka guddiga fulinta ee hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha hooyga ee UN-Habitat.
Kulanka ayaa lagu qabanaya xarunta dhexe ee UN-ta ee xaafadda Gigiri oo ka tirsan ismaamulka Nairobi.
Wasiirka ayaa la filayaa inuu ka hadlo kaalinta muhiimka ah ee ay hay’addu ka qaadato horumarka Kenya si gaar ah guriyeynta.
Guddiga fulinta ee hay’adda waxaa xubno ka ah 36 waddan wuxuuna ka shaqeeyaa kormeerka , xaqiijinta isla xisaabtanka , daahfurnaanta iyo in howlaha hay’adda UN-Habitat ay noqdaan kuwo wax ku ool ah.
Wasiir Njeru ayaa dhawaan sheegay in dowladda dhexe ay ka go’an tahay inay sii xoojiso wada shaqeynta kala dhexeysa hay’adda qaramada midoobay ee arrimaha hooyga.
Tani ayaa looga gol-leeyahay in lagu wanaajiyo nolosha shacabka deggan xaafadaha isku raranta ah.