Wasiirka wasaaradda dhulalka , howlaha guud , guriyeynta iyo horumarinta magaalooyinka ee dalka Zachariah Njeru ayaa ku sugan Maraykanka.
Waxaa uu halkaasi uga qayb galaya shirweyne uu soo qaban qaabiyay bangiga adduunka oo ku saabsan hooyga qiimo ahaan la awoodi karo.
Sidoo kale wasiirka ayaa doonaya inuu kenyaanka ku nool qurbaha ka dhaadhiciyo inay maalgashadaan barnaamijka guriyeynta ee dowladda dhexe.
Tani ayaa ku soo beegmaysa iyadoo qorshaha dowladda uu yahay in sanad kasta shanta sano ee soo socoto ay dhisto 200,000 oo guriyo ah.
Bangiga dhexe ee dalka ayaa horay u sheegay in lacagaha ay soo direen qurbajoogta kenyaanka ah intii u dhexeysay bishii Saddexaad ee sanadkii hore iyo bishii Saddexaad ee sanadkan ay gaareen 532.3 bilyan oo shilin marka loo barbardhigo bishii Saddexaad ee sanadkii 2021-kii ilaa bishii Saddexaad ee sanadkii hore oo qiimaha lacageed ee laga soo xawilay dibadda lagu sheegay 518 bilyan oo shilin.