Wasiirka deegaanka ee dalka oo baaq u diray maxkamadaha

0
344

Wasiirka wasaaradda deegaanka , isbeddelka cimillada iyo kaymaha ee dalka Aadan Barre Ducaale ayaa maxkamadaha waddanka ku boorriyey in ay wasaaradda uu hoggaamiyo iyo maamulka qaran ee maareynta deegaanka ee NEMA garab ku siiyaan dhaqangelinta xeerarka kala duwan ee dhanka deegaanka.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in caqabadaha deegaanka ee uu dalka wajahaya uu inta badan u aaneynaya dhaqangelinta xeerarka dagsan oo hooseysa.
Wasiir Ducaale ayaa sheegay in waaxda cadaaladda ee Kenya laga doonaya in ay door ka qaadato ilaalinta deegaanka.