Wasiirka cayaaraha oo baaq u diray dhallinyarada

0
193

Wasiirka wasaaradda cayaaraha , arrimaha dhallinyarada iyo farshaxanka ee dalka Ababu Namwamba ayaa da’yarta kenyaanka ah ku boorriyay inay noqdaan kuwo hal-abuur leh.
Tani ayuu sheegay inay dhallinyaro badan u abuuri karto fursado shaqo.
Waxaa uu dowladaha kala duwan ugu baaqay in ay dhallinyarada garab ku siiyaan sidii ay uga faa’iidaysan lahaayeen horumarka tiknolojiyadeed si ay sare ugu qaadaan hal-abuurkooda.
Wasiirka ayaa tilmaamay in kastoo da’yarta ay wajahayaan caqabado la xiriira helidda dhaqaale ay ku ganacsan karaan haddana in badankoodu aynan ku dhiirran wax curin.
Baaqan ayuu diray xilli uu ka qayb galay shirka dadka ay da’oodu ka hooseysa 40 sano ee sameeyay horumarrada dhanka nolosha kaasi oo lagu qabtay magaalada Nairobi.
Waxaa madasha ka qayb galay dhallinyaro ganacsata ah oo ka soo jeeda qaaradda Afrika.