Wasiirka wasaaradda Cadaaladda ee Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Koofur Galbeed, Sheekh Ibraahim Lugbuur ayaa ku geeriyooday qarax Saaladda Jimacaha ka dib ka dhacay magaalada Baydhabo.
Qof isku soo xiray waxyaabaha qarxa ayaa isku qarxiyay Wasiirka iyo Ilaaladiisa, xilli ay ka soo baxeen Salaadda Jimcaha oo ku tukadeen Masjid lagu magacaabo Bumbashar oo ku yaalla xaafadda Wadajir ee magaalada Baydhabo.
Sidoo kale, waxaa jira dadka kale oo khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac uu ka soo gaaray qarax.
Ilaa 8 ruux oo dhaawac ah ayaa la gaarsiiyay Isbitaalka wayn ee magaaladaasi.
Ma jirto cid sheegatay Mas’uuliyadda qaraxa lagu dilay Wasiirka Caddaaladda ee Koofur Galbeed.