Wasiirka wasaaradda caafimaadka ee dalka Mr. Mutahi Kagwe ayaa sheegay inuusan iska casili doonin xilka uu ka hayo dowladda dhexe.
Waxaa uu caddeeyay inuusan weli soo afjarin dagaalka uu kula jiro cudurka COVID-19 sidaas awgeedna uunan hadda diyaar u ahayn inuu xafiiska banneeyo.
Tani ayaa imaanaysa ka dib markii maalmihii ugu dambeeyay ay is casileen wasiirro dhowr ah oo doonaya in bisha siddeedaad ee sanadkan ay u tartamaan xilalka hoggaanka.
Wasiir Kagwe ayaa hoosta ka xarriiqay inuu aad uga baaraan degay ku biiridda saaxadda siyaasadeed balse uu ugu dambeyn go’aansaday inuu ka sii mid ahaado xubnaha golaha wasiirrada ee maamulka madaxweyne Uhuru Kenyatta.
Waxaa uu ku celceliyay in halista la xariirta caabuqa corona ee gudaha dalka ay weli jirto sidaas awgeedna aynan macquul ahayn inuu wakhti xaadirkan is casilo.