Wasiirka caafimaadka oo ka hadashay taageerada ay siinayaan ismaamullada

0
307

Wasiirka wasaaradda caafimaadka ee dalka Susan Nakhumicha ayaa sheegtay in dowladda dhexe ay diyaar u tahay inay ismaamullada garab ku siiso sidii ay dadweynaha ugu fidin lahaayeen adeegyo caafimaad oo tayo leh.
Arrintan ayay shaaca ka qaadday xilli ay xafiiskiisa ugu tagtay barasaabka ismaamulka Uasin Gishu Jonathan Bii.
Waxay sidoo kale ballanqaadday inay dowlad deegaankaasi kala shaqeyn doonto sidii uu ugu guulaysan lahaa qorshaha caafimaadka ee u degsan.
Hadalka wasiiradda ayaa ku soo beegmaya iyadoo shacabka ku nool qaar ka mid ah ismaamullada wadanka ay cabasho ka muujinayaan adeegyada caafimaad oo hooseeya sida dawo la’aan.