DHEGEYSO:Wasiirka caafimaadka ee dalka kenya oo muslimiinta ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidda

0
411

Wasiirka wasaaradda caafimaadka ee dalka Aadan Barre Ducaale ayaa qoraal uu soo saaray waxaa uu bulshada muslimiinta ah ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidul Adxaa ee maanta loo dabbaal degaya.
Waxaa uu sheegay in ay ka turjumaysa xoojinta iimaanka , kal-gaceyl, midnimo iyo wax hurid.
Waxaa sidoo kale hambalyo tani la mid ah diray xildhibaanka deegaanka Ceeldaas ee ismaamulka Wajeer Aadan Kaynaan Weheliye, wakiilka haweenka ee Wajeer Fatuma Cabdi Jeexow iyo mas’uuliyiin kale.
Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Mr. Kipchumba Murkomen ayaa horay u shaaciyay in maanta ay tahay maalin fasax ah si muslimiinta ay fursad ugu helaan u dabbaal degga Ciidda.

Dhanka kale ,Muxiyidiin Xasan Maxamad  ayaa goor sii horreysay  khadka taleefoonka ku wareystay  wakiil wareedka warbaahinta Star ee Dadaab Maxamad  Baaruud Xuseen.