Wasiirka biyaha oo iska fogeysay muran dhanka hooyga ah

0
242

Wasiiradda wasaaradda biyaha iyo waraabka ee dalka ,Alice Wahome ayaa iska fogeysay qoraallo lagu faafiyay baraha bulshada oo iyada lagula xiriirinaya muran dhanka hooyga ah oo laga soo tabiyay xaafadda Karen ee magaalada Nairobi.
Shalay ayay ahayd markii ay warbaahinta dalka tabisay inay jiraan wasiir iyo xildhibaan isku haysta lahaanshaha guri ku yaalla xaafaddaasi.
Wahome ayaa barta Twitter-ka ku sheegtay inaynan arrinkaasi ku lug lahayn.
Waxay intaasi ku dartay inuu qaldamay malaha kenyaanka isticmaala barta Twitter-ka oo aynan hadda raadinayn guri ay degto.