Wasiirka biyaha ee dalka oo is casishay

0
495

Waxaa maanta xilkii ay dowladda dhexe u haysay iska casishay wasiirkii biyaha , waraabka iyo faya dhowrka Sicily Kanini Kariuki.
Haweeneydan ayaa go’aanka ay qaadatay ku saleysay inay doonayso in bisha siddeedaad ee sanadkan ay ka mid noqoto musharraxiinta jagada barasaabka ismaamulka Nyandarua.
Waxaa ka sii horreeyay oo shalay is casilay wasiirkii dowlad wadaajinta Charles Keter , Aadan Maxamad oo ahaa wasiirkii jaaliyadda bariga Afrika iyo dhigiisi batroolka iyo macdanta John Munyes.
Keter ayaa u tartami doono xilka guddoomiyaha Kericho, Aadan Maxamad (Mandera) iyo John Munyes (Turkana)
Sicily Kariuki ayaa madaxweyne Uhuru Kenyatta uga mahadcelisay fursadda uu u siiyay inay shacabka u adeegto.
Shir jaraaid oo ay maanta qabatay ayay ka sheegtay in is casilaadeeda ay imaanayso ka dib bilooyin ay wada tashi la yeelanaysay shacabka ku nool dowlad deegaanka Nyandarua.
Sidoo kale waxaa iscasilay Chris Obure oo ka mid ahaa xoghayeyaasha maamulka sare ee wasaaradda gaadiidka iyo Lawrence Karanja oo jagadaasi ka hayay wasaaradda warshadaha.
Waxay mas’uuliyiintan u kala tartami doonaan xilalka barasaabnimo ee ismaamullada Kisii iyo Nakuru.
Xoghayeyaasha maamulka sare ee wasaaradaha ee is casilay waxaa sidoo kale ka mid ah
1. Joseph Boinnet (Dalxiiska ) oo u tartami doono xilka barasaabka ee ismaamulka Elgeyo Marakwet .
2. Wavinya Ndeti (Gaadiidka ) – Machakos
3. Ken Obura (Jaaliyadda bariga Afrika ee EAC) – Kisumu
4. Patrick ole Ntutu (Wasaaradda shaqaalaja ) – Narok
5. Gideon Mung’aro (Dowlad wadaajinta ) – Kilifi
6. John Musonik (Batroolka ) – Bomet
7. Xasan Nuur Xasan (Waxbarashada ) – Mandera
8. Mumina Bonaya (Tacliinta ) –wakiilka haweenka ee ismaamulka Isiolo .
Maadaama maanta ay ku beegan tahay taariikhda kama dambeyska ah ee uu haysto shaqaalaha dowladeed ee doonaya inuu ku biiro saaxadda siyaasadeed , waxaa la filayaa in saacadaha soo socdo ay xafiisyada banneeyaan saraakiil kale.
Dhanka kale wasiirka wasaaradda beeraha ee dalka Peter Munya ayaa sheegay inuunan is casili doonin maadaama uunan daneynayn inuu xil siyaasadeed u tartamo.
Munya ayaa hoosta ka xarriiqay inuu codsi uga yimid beeralayda wadanka oo sida uu hadalka u dhigay doonaya inuu u sii adeego .
Peter Munya ayaa caddeeyay inuu taageeri doono musharraxa garabka siyaasadeed ee Azimio uu u soo xusho xilka barasaabka Meru.