Wasiirka beeraha oo daahfuray bacrimin la siinaya beeralayda

0
247

Wasiirka wasaaradda beeraha ee dalka Mithika Linturi ayaa daahfuray bacrimin dhan 45,000 taan oo uu qiimaheedu hooseeyo.
Bacrimintan ayaa loogu tala galay beeralayda soo saaro caleenta shaaha waxaana xariga looga jaray dekadda ismaamulka Mombasa.
Wasiirka ayaa maanta sheegay in bacrimintan laga heli karo xarumaha wakaaladda horumarinta caleenta shaaha ee dalka ee (KTDA).
Linturi ayaa hoosta ka xarriiqay in 50-kii kiilogaraam ee bacrimintan ah lagu iibin doono 2,500 oo shilin.
Waxaa uu wasiirka sheegay in dowladda dhexe ay sanadka 2024-ta wadanka keeni doonto 7 milyan oo kiish oo bacrimin ah.