Wasiirka wasaaradda beeraha iyo xanaannada xoolaha ee dalka Mithika Linturi ayaa iska fogeeyay dhammaan eedeymaha loo jeediyay ee uu ku saleysan yahay mooshinka la doonaya in xilka looga qaado.
Waxaa mooshinkan baarlamaanka hor geeyay mudanaha laga soo doortay deegaanka Bumula Jack Wamboka.
Waxaa uu cuskanaya in Linturi uu baal maray xeerarka dastuuriga ah oo uu ku dhaqaaqay habdhaqan aan wanaagsanayn maadaama beeralayda laga iibiyay bacrimin ay tayadeedu ka hooseyso heerkii la rabay.
Hasa ahaate wasiir Linturi oo ka soo hormuuqday guddiga ka kooban 11-ka xubnood ee baaritaannada ku sameynaya ayaa sheegay in aynan jirin caddeyn isaga lagula xiriirin karo fadeexadda bacriminta.
Waxaa uu xusay in soo iibinta agabka iyo bixinta qandaraasyada ay ka mid yihiin waajibaadka xoghayaha joogtada ee wasaaradda Kipronoh Ronoh sidaasi awgeedna wasiir ahaan uunan door ku lahayn soo iibinta iyo qaybinta bacriminta.
Wasiirka oo uu matalaya qareenkiisa ,Muthomi Thiankolu ayaa ku adkeystay in uunan qayb ka ahayn guddigii soo saaray oo qiimeeyay qandaraaska bacriminta.