Wasiirka Batroolka Soomaaliya oo xafiiska xeer ilaalinta hortagaya

0
667

Wasiirka Wasaaradda Batroolka Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa lagu wadaa inuu Maanta hortago Xafiiska Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka oo horay ugu yeeray.
Dhawaan qoraal kasoo baxay Xafiiska Xeer ilaaliyaha Qaranka ayaa loogu yeeray Wasiirka si wax looga weeydiiyo heshiiska Shidaal baarista ee uu la galay Shirkadda Coastline Exploration Limited ee laga leeyahay dalka Mareykanka.
Wasiirka Wasaaradda Betroolka & Macdanta Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa 19-kii Bishii Febaraayo ee sanadkaan wuxuu sheegay in heshiiska Shidaal uu la galay Shirkadda Coastline balse Madaxweyne Farmaajo & Ra’iisul Wasaare Rooble ay xilligaas waxay diideen heshiiskaas kuna tilmaameen mid sharci darro ah.