Wasiirka arrimaha gudaha oo soo saaray digniin ku aaddan doorashooyinka

0
461

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Dr.Fred Matiang’i ayaa sheegay in murannada la xiriira shahaadooyinka waxbarasho ee musharraxiinta iyo qaabka loo siyaasadeynaya ay dhibaatooyin u horseedi karaan wadanka.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay inay kordheen kiisaska iskudayada ah ee cadaadis lagu saaraya guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC iyo hay’adaha kale ee garsoorka.
Wasiirka ayaa xusay in siyaasiyiinta ay arrintan saameysay ay abaabulayaan oo ayna kicinayaan taageerayaashooda tani oo wadanka xiisad siyaasadeed ka abuuri karto.
Dr. Matiang’i ayaa arrintan ka hadlay xilli uu ka qayb galay shirweyne ku saabsanaa u diyaar garowga sugidda amniga doorashooyinka.