Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Dr. Fred Matiangi ayaa sheegay in musharraxiinta u tartamaya xilalka hoggaanka ee sanadkan ay ka mid yihiin shakhsiyaad lala xiriiriyay falal dambiyeedyo dhaqaale.
Waxaa uu xusay inay suurtagal tahay in dadkan ay qabtaan xilalka hoggaanka iyagoo adeegsanaya laaluush ay siiyaan codbixiyeyaasha.
Wasiirka ayaa tilmaamay inay jirto xog sirdoon oo muujinaysa in boqolkiiba 40 ee kuraasta hoggaanka ay ku guulaysan karaan sida uu hadalka u dhigay dambiilayaal.
Waxaa uu kenyaanka ugu baaqay inay aad uga fiirsadaan siyaasiyiinta ay u dooranayaan jagooyinka kala duwan oo aan lagu khiyaanin lacago la siiyay.