Wasiirka arrimaha gudaha oo sheegay in maanta aynan ahayn maalin fasax ah

0
286

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof. Kithure Kindiki ayaa sheegay in maanta si la mid ah maalmaha kale ay kenyaanka iska xaadirin doonaan goobahooda shaqo oo uunan jirin fasax rasmi ah oo ay dowladdu shaacisay.
Waxaa uu waxba kama jiraan ku tilmaamay hadal uu maalmo ka hor yidhi madaxa isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja- One Kenya Raila Odinga.
Mr. Odinga ayaa horay taageerayaashiisa ugu sheegay inaynan 20-ka bishan shaqo tagin oo ay ka qayb qaataan dibadbaxyada qorsheysan.
Hasa ahaate wasiir Kindiki oo ah wasiirka awood dastuuri ah u leh inuu ku dhawaaqo fasaxa ayaa dadweynaha ugu baaqay inay si caadi ah u wataan howlahooda oo ay ka mid yihiin shaqooyinka isagoo carrabka ku adkeeyay in dowladda ay u xaqiijinayso ilaalinta badqabkooda.
Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in dowladdu ay ka go’an tahay ilaalinta dhammaan xuquuqda aasaasiga ee ku qeexan dastuurka dalka.
Waxaa bayaanka ku cad in maanta ay tahay maalin caadi oo shaqo oo ay soconayaan howlaha waxbarashada iyo arrimaha kale.
Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Prof. Kithure Kindiki ayaa xusay in cidii ka tallaabsata sharciga marka ay dhacayaan dibadbaxyada Azimio in dacwad lagu soo oogi doono.