Wasiirka arrimaha gudaha oo sheegay in la xiray 3 qof oo lala xiriirinaya dilka guddoomiye xaafadeed

0
271

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran ee dalka Prof.Kithure Kindiki ayaa sheegay in la xiray saddex qof oo lala xiriirinaya dilka guddoomiye xaafadeed sare oo lagu magacaabi jiray Jacob Leyiangere kaasoo ka dhacay ismaamulka Laikipia .
Waxaa uu intaasi ku daray in la helay hubkii dilkan loo adeegsaday.
Wasiirka ayaa mar kale carrabka ku adkeeyay in dowladda dhexe ay ka go’an tahay cirib tirka falalka burcadnimo , dhaca xoolaha iyo falal dambiyeedyada kale.
Waxaa uu sheegay in kheyraad ku filan wax ka qabashada arrimahan loo qoondeyn doono deegaannada ay saameynta ka soo gaartay.

Sidoo kale waxaa shalay xafiiska si rasmi ah ula wareegay xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha gudaha Dr. Raymond Omollo waxaana xilka ku wareejiyay Dr.Karanja Kibicho.