Wasiirka arrimaha gudaha oo sheegay in 25 qof lagu dilay dibadbaxyada

0
273

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof.Kithure Kindiki ayaa sheegay in dibadbaxyadii waddanka ka dhacay lagu dilay 25 qof.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in mudaaharaadyada markii hore ku billowday diidmada hindise sharciyeedka maaliyadda ee sanadkan ee Finance Bill 2024 ka hor inta aynan isku beddelin kuwo lagu dalbanaya inuu xafiiska banneeyo madaxweyne William Ruto lagu dhaawacay 400 oo ruux.
Kindiki ayaa xilli uu xalay u warramayay telefishinka maxalliga ee Citizen beeniyay in ilaa 40 qof ay ku nafwaayeen mudaaharaadyada sida laga soo xigtay ururrada u ololeeya xuquuqul aadanaha oo tirada dhaawacyadana ku sheegay ilaa 600 oo ruux.
Wasiirka ayaa xusay in dadka dhaawacmay ay ka mid yihiin 43 sarkaal oo booliis ah .
Sidoo kale wuxuu beeniyay in xasuuq shacab laga gaystay xaafadda Githurai.
Wasiir Kindiki ayaa sheegay in dowladdu ay ka go’an tahay in ay baaritaano ku sameyso dhimashooyinka la soo tabiyay.
Waxaa uu cadeeyay in dadka la dilay badankoodu ay ahaayeen kuwo la toogtay halka qaarna ay u geeriyoodeen dhaawacyo soo gaaray.
Wasiirka ayaa sheegay in baaritaannada la guda galay oo lala xisaabtami doono cid kasta oo xadgudub sameysay.
In kastoo uu wasiirka arrimaha gudaha iyo maamulka qaran uu qiray in ciidamada ammaanka ay dibadbaxayaasha u adeegsadeen awood xad dhaaf ah haddana wuxuu difaacay tallaabooyinkii ay qaadeen.
Kindiki ayaa tilmaamay in sarkaalka uu xaq dastuuri ah u leeyahay inuu is difaaco marka ay naftiisa khatar wajahaysa.