Wasiirka arrimaha gudaha oo la kulmay saraakiisha amniga ee Lamu

0
364

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof. Kithure Kindiki ayaa kulan la qaatay saraakiisha ammaanka ee dowlad deegaanka Lamu ee gobolka Xeebta.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in kulankaasi oo ka dhacay degmada Witu ay sidoo kale ka qayb galeen kooxaha sirdoonka.
Kindiki ayaa ismaamulka Lamu ku sugnaan doono Saddex cishe sida uu ku shaaciyay qoraal uu soo saaray.
Waxaa uu qorshuhu yahay in wasiirka arrimaha gudaha ee dalka uu sidoo kale la kulmo hoggaamiyaasha siyaasadeed, culimada , ganacsatada , waxgaradka iyo qaybaha kale ee bulshada si looga arrinsado wanaajinta amniga Lamu.