Wasiirka arrimaha gudaha oo la kulmay madaxda Waqooyi Bari

0
254

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran ee dalka Prof.Kithure Kindiki ayaa kulamo wada tashi ah la qaatay hoggaamiyaasha siyaasadeed ee ismaamullada Garissa, Wajeer iyo Mandera.
Waxaa kulamada looga wada hadlay arrimaha amniga si gaar ah la dagaalanka argagixisada iyo ka hor tagga dembiyada isaga gudbo xuduudaha.
Kindiki ayaa mar kale xaqiijiyay in xafiiska waaxda socdaalka ee Waqooyi Bari dib loo furi doono 1-da bisha Toddobaad ee sanadkan.