Wasiirka arrimaha gudaha oo la kulmay madaxda Garissa

0
200

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran ee dalka Prof.Kithure Kindiki ayaa shalay subax la kulmay hoggaamiyaasha ismaamulka Garissa oo ay hor kacayeen barasaabka dowlad deegaankaasi Nathiif Jaamac iyo senatarka Cabdulqaadir Maxamad Yuusuf.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray amniga ismaamulka Garissa.
Waxaa sidoo kale shirka ka qayb galay taliyaha guud ee booliiska dalka Japheth Koome, ku xigeenkiisa Nuur Yaroow Gaabow iyo taliyaha ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee GSU-da Douglas Kanja.
Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in kulanka uu yahay mid wadatashi ah oo horay u soo jiray oo ay dowladda dhexe xal waara ugu raadinaysa caqabadaha amni ee ka jiro qaybaha dalka.