Wasiirka arrimaha gudaha oo hor tagay guddiga aqalka sare ee baaraya meydadka laga helay Shakahola

0
300

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof. Kithure Kndiki ayaa maanta ka soo hormuuqday guddi uu aqalka sare ee wadanka u xil saaray inuu baaritaano ku sameeyo dhacdooyinka isa soo taraya ee meydadka lagu arkay keynta Shakahola ee ismaamulka Kilifi.
Guddigan ayaa u yeeray saraakiisha maamulka iyo amniga ee ka howlgalayay Kilifi xilligii ay dhibaatadan dhaceysay.
Wasiirka oo saraakiishan wakiil ka ah ayaa faahfaahin ka bixiyay go’aan uu ciidamada goobo kale ugu wareejiyay.
Kindiki ayaa isbeddellada sameeyay bishii Afaraad ee sanadkan wuxuuna xilligaasi warbaahinta u sheegay inay jirto xog sirdoon oo muujinaysa in qaar ka mid ah saraakiisha ammaanka xilli hore lagu wargeliyay howlaha baadariga kaniisadda Good News International balse ay iska indha tireen sidaasi awgeedna aan loogu aamini karin inay baaritaano ku sameeyaan.
Sidoo kale waxaa uu Kindiki hoosta ka xarriiqay in baadariga lagu magacaabo Paul Mackenzie uu dafiray amar maxkamadeed oo ahaa inuu joojiyo caqiidooyinka halista ah ee uu ka dhaadhicinayay dadka taabacsan.
Waxaa uu intaasi ku daray in baadariga labo mar la xiray balse uunan dib u eegis ku sameyn howlihiisa.
Wasiirka ayaa carrabka ku adkeeyay inay jiraan saraakiil amni, kuwo maamul iyo qaar ka mid ah shaqaalaha waaxda garsoorka oo ay lagama maarmaan tahay in lala xisaabtamo.
Tani ayaa ku soo aadaysa iyadoo shalay la billaabay wajiga afaraad ee howlgallada meydadka looga soo saaraya xabaal wadareedyada Shakahola.