Wasiirka arrimaha gudaha oo hor tagay aqalka sare

0
264

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof. Kithure Kindiki ayaa maanta ka soo hormuuqday aqalka sare.
Waxaa uu wasiirka sheegay in la wanaajiyey xaaladda amni ee deegaannada waqooyiga dalka ee ay saameeyeen falalka burcadnimo.
Kindiki ayaa hoosta ka xarriiqay in meelo ay ku dhuumaleysan jireen kooxaha burcadda ah oo ku yaalla ismaamullada Baringo, Laikipia, Samburu, Turkana, West Pokot iyo Elgeyo Marakwet in la sifeeyay oo ay hadda halkaasi ku sugan yihiin ciidamada ammaanka.
Waxaa uu intaasi ku daray in burcadda aynan goobahaasi dib ugu laaban doonin.
Wasiirka arrimaha gudaha ayaa sheegay in guulo laga gaaray howlgallada amni ee ka socdo waqooyiga dalka oo la dabooli doono dulduleellada jira.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in ciidamada ammaanka ay ku sugnaan doonaan goobaha ay howlgallada ka wadaan ilaa iyo inta ay ku qaadato inay ku guulaystaan dagaalka ka dhanka ah burcadda.
Kindiki ayaa arrimahan ka hadlay xilli uu ka jawaabayay su’aallo uu waydiiyay senatarka ismaamulka Samburu Lelegwe Ltumbesi oo doonayay inuu ogaado isbeddelka jira tan iyo markii la howlgeliyay saraakiisha difaaca ee KDF-ta.
Dhanka kale wasiirka ayaa xusay in dowladda dhexe ay isku diyaarinaysa inay dacwad ku soo oogto siyaasiyiin iyo hoggaamiyaal sare oo ku eedeysan fududeynta howlaha burcadnimo ee waqooyiga Rift Valley.
Kindiki ayaa saaka senatarrada aqalka sare u sheegay in gacanta lagu dhigay mid ka mid ah hoggaamiyaasha kooxaha burcadda ah oo uu hadda laamaha ammaanka ka caawinaya baaritaannada.
Waxaa uu tilmaamay inay sameeyeen koox qaabilsan howlgallada gaarka ah taasoo horseedday in la xasiliyo deegaanka Baragoi ee ismaamulka Samburu oo ay si maalinle ah rasaas uga dhici jirtay.