Wasiirka arrimaha gudaha oo guddoomiyay shir amni

0
255

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof. Kithure Kindiki ayaa guddoomiyay shir ku saabsan ammaanka.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray soo afjaridda falalka burcadnimo iyo dhaca xoolaha ee saameeyay ismaamulka Samburu.
Kindiki ayaa sheegay in ujeedka shirka uu ahaa in dhibaatooyinkan soo noqnoqday laga gaaro xal waara.
Waxaa kulanka ka qayb galay mas’uuliyiinta Samburu oo uu hor kacaya barasaabka dowlad deegaankaasi Jonathan Leleliit.
Wasiirka ayaa madaxda u xaqiijiyay in dowladda dhexe ay ka go’an tahay sidii caqabaddan loo xallin lahaa si looga faa’iido fursadaha ka jiro Samburu.