Wasiirka arrimaha gudaha oo digniin u diray ciidamada aan la tacaalin burcadnimada

0
157

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof. Kithure Kindiki ayaa digniin u diray ciidamada ammaanka ee garab siiya kooxaha gaysta falal dambiyeedyada guud ahaan wadanka.
Kindiki ayaa carrabka ku adkeeyay in la helay caddeymo wax ku ool ah oo muujinaya in qaar ka mid ah saraakiisha booliiska ay ka qayb qaateen falal dambiyeedyo iyagoo dambiilayaasha u oggolaaday in aan loo qaban dhibaatooyin ay gaysteen.
Waxaa uu sidoo kale xusay in askarta qaar ay fududeeyaan kala gudbinta maandooriyaha.
Wasiirka arrimaha gudaha ee dalka ayaa wacad ku maray in ciidamadan laga qaadi doono tallaabada habboon ee dhanka sharciga .