Wasiirka arrimaha gudaha oo digniin adag u diray Raila

0
343

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof. Kithure Kindiki ayaa madaxa isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja- One Kenya Raila Odinga uga digay in isku soo baxyada siyaasadeed ee uu qabanaya uunan ku khalkhal gelin howlaha ganacsiga.
Shir jaraaid oo uu uga hadlayay waxyaabaha u qabsoomay 100-kii cishe ee ugu horreysay tan iyo markii la magacaabay ayuu Kindiki ku sheegay in waaxyaha hoos tago wasaaradda uu hoggaamiyo aynan marnaba u dulqaadan doonin dhacdooyinka horseedi karo kicin dadweyne.
Wasiirka ayaa hoosta ka xarriiqay in uunan dani ka lahayn siyaasiyiinta qabanaya mudaharaadyada haddii ay sharciga u hoggaansamayaan.
Waxaa uu wacad ku maray in xubnaha mucaaradka tallaabo adag oo sharciyeed laga qaadi doono haddii ay baal maraan nidaamka maamulka ee kala dambeynta oo ay ku kacaan burburinta hantida dowladda iyo midda sida gaarka ah loo leeyahay ama sidoo kale waxyeeleynta shacabka.
Kindiki ayaa sheegay in siyaasi kasta oo khalkhal geliya amniga wadanka sida ku habboon loola macaamili doono.