Wasiirka arrimaha gudaha oo booliiska bogaadiyay

0
373

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof. Kithure Kindiki ayaa saraakiisha ammaanka ku bogaadiyay qaabkii ay shalay uga falceliyeen dibadbaxyadii dhacay.
Waxaa uu sheegay in ciidamada ku sugan ismaamullada Nairobi iyo Kisumu ay si aad ah isku xakameeyeen.
Kindiki ayaa sheegay in saraakiisha ay muujiyeen habdhaqan waafaqsan xeerarka dastuuriga ee dalka.
Wasiirka arrimaha gudaha ayaa xusay in muwaadin waliba laga doonaya inuu sharciga u hoggaansamo .