Wasiirka arrimaha gudaha iyo golaha barasaabyada oo kulan yeeshay

0
308

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof. Kithure Kindiki ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay inuu la kulmay wafdi matalayay golaha ay ku mideysan yihiin barasaabyada ismaamullada ee COG.
Waxaa wafdigan hoggaaminaysay guddoomiyaha COG ahna barasaabka dowlad deegaanka Kirinyaga , Ann Waiguru.
Kindiki ayaa xusay inay ka wada hadleen arrimaha ay iska kaashan karaan dowladda dhexe iyo ismaamullada.
Dhanka kale wasiirka ayaa laga soo xigtay in dowladda dhexe ay ku dadaalaysa sare u qaadidda dadaallada lagula tacaalo falal dambiyeedyada intarneetka.
Waxaa uu intaasi ku daray inuu saaka guddoomay warbixinta guddi loo saaray inuu dejiyo xeerarka ka dhanka ah isticmaalka khaldan ee intarneetka iyo kombiyuutarrada.