Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka oo kormeer ku tagay bartamaha Nairobi,xili ay bilawdeen dibadbaxyo

0
210

Dawladda dalka waxay xoojisay ammaanka gudaha iyo hareeraha Xarunta Ganacsiga ee Nairobi ee (CBD) si ay uga hortagto hadii ay rabshado isku beddelaan dibadbaxyada lagu xusayo sannad-guuradii koowaad ee ka soo wareegtay mudaharaadka Gen Z.
Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka Kipchumba Murkomen ayaa subaxnimadii hore ee Arbacada maanta ah kormeer degdeg ah ku tagay bartamaha caasimada dalka si uu u qiimeeyo diyaargarowga ay laamaha ammaanka ugu jiraan sidii ay uga hortagi laheeyeen banaanbaxyada.
Murkomen waxa uu la kulmay saraakiisha ammaanka ee ku sugnaa dhismaha Harambee,waxaa uu sido kale gaarey xafiiska taliyaha guud ee ciidamada booliska dalka Douglas Kanja kaasi oo ku yaala Jogoo House A.
Si kastaba ahaate Murkomen waxa uu ku booriyay booliiska in ay si dhab ah u dhawraan sharciga iyo kala dambeynta .
Dhinaca kale dibadbaxyada ayaa si rasmi ah uga bilawday bartamaha Nairobi iyo magaalada Mombasa iyadoo ay isku soo bax sameeyeen dhalinyaro aad u badan.
Ciidamo ayaa la geeyay goobaha muhiimka ah sida wadada gasha aqalka madaxtooyada ee state house iyo midda baarlamaanka.