Wasiirka arrimaha gudaha ee dalka oo baarlamaanka ka codsaday maalgelin dheeraad ah

0
133

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Mr.Kipchumba Murkomen ayaa baarlamaanka ugu baaqay inuu kordhiyo miisaaniyadda loogu talagalay kaabayaasha amniga.
Waxaa uu xusay in maalgelin ballaaran oo lagu sameeyo waddooyinka, guriyeynta iyo nidaamyada isgaarsiinta ay muhiim u tahay in la haleelo nabadgelyo iyo xasillooni waarta guud ahaan waddanka.
Baaqan ayuu diray xilli uu ka soo hormuuqday aqalka sare oo uu senatarrada uga jawaabayay su’aallo ku saabsan amniga iyo maamulka qaran.
Wasiir Murkomen ayaa ku celceliyay sida ay dowladdu uga go’an tahay in la casriyeeyo kaabayaasha ammaanka iyadoo la isku xiraya horumarka iyo ka shaqeynta nabadgelyada.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in burcadnimada aan looga guulaysan karin hub iyo dad la xiro balse wanaajinta waddooyinka iyo sare u qaadidda tayada qalabka lagu sugo ammaanka.
Wasiirka waxaa uu sheegay in loo baahan yahay raasimaal dheeraad ah oo lagu wanaajiyo guriyaha ciidamada booliiska iyo in hannaanka wada xiriirka laga dhigo mid casri ah si loo dardargeliyo howlaha laga fuliyo meelaha fog ee ay ku badan tahay burcadnimada.
Sidoo kale , waxaa uu tilmaamay in kulamadii ammaanka ee Jukwaa la Usalama ee lagu qabtay dhammaan 47-da ismaamul ee Kenya ay adkeeyeen wada shaqeynta laamaha ammaanka, saraakiisha maxalliga ee maamulka iyo shacabka si loo xalliyo caqabadaha.
Waxaa uu intaasi ku daray in guulo laga gaaray howlgalka ka dhanka ah falal dambiyeedyada ee Maliza Uhalifu (OMU) ee ka socdo aagga Kerio Valley, ismaamullada Samburu, Laikipia, Baringo, Elgeyo Marakwet iyo qaybo ka mid ah dowlad deegaanka Meru .
Kipchumba Murkomen, wasiirka arrimaha gudaha iyo maamulka qaran ayaa sheegay in xasillooni lagu soo dabbaalay gobollo dhowr ah oo ay horay amni darro u saameysay .
Wuxuu intaasi ku daray in dib loo furay meherado ganacsi iyo goobo waxbarasho oo xirnaa bilooyin ay nabadgelyo la’aan halkaasi ka jirtay.
Wasiirka ayaa carrabka ku adkeeyay in maalgelinta kaabayaasha ammaanka ay horseedaysa horumar, sida uu hadalka u dhigay dib u soo celinta sharafta iyo in ay fursado helaan bulshooyin muddo dheer la takoorayey.
Murkomen ayaa intaasi ku daray in dowladdu ay diyaar u tahay xaqiijinta badqabka qof kasta oo kenyaan ah meel waliba oo uu ku nool yahay iyo in si siman loo helo adeegyada dadweynaha.
Waxaa uu ugu dambeyn sheegay in haddii xildhibaannada baarlamaanka iyo senatarrada aqalka sare ee dalka ay wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran ku taageeraan dhaqaale , in wasaaraddu ay sii wadi doonto in ay maalgeliso nidaamyo damaana qaadaya nabadgelyo, xasillooni iyo midnimo qaran.