Wasiirka arrimaha dibadda Ruushka oo berri tagaya India

0
425

Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Ruushka Sergey Lavrov ayaa lagu wadaa inuu berri oo Khamiis ah uu safar ku tago magaalada New Delhi ee wadanka India.
Arrintan ayaa shaaca looga qaaday bayaan ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee India.
Lavrov oo hadda ku sugan Shiinaha oo uu safarkiisi ugu horreeyay ku tagay wax ka badan hal bil ayaa India ku sugnaan doono labo cisho.