Wasiirka arrimaha dibadda oo ku sugan Sacuudi Carabiya

0
290

Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo qurbajoogta Dr. Alfred Mutua ayaa ku sugan boqortooyada Sacuudi Carabiya.
Waxaa uu halkaasi kula kulmayaa maamullada Sacuudiga iyo kenyaanka qurbajoogta ah si uu xog dheeraad ah uga helo caqabadaha ay la kulmaan muwaadiniinta ka shaqeysta waddamada khaliijka.
Safarka Mutua ayaa ku soo beegmay ka dib markii bishii hore ay soo baxeen warar sheegaya in 85 haween ah oo u dhashay wadanka kuwaasoo intooda badan ka shaqeynayay gudaha Sacuudi Carabiya inay geeriyoodeen saddexdii bilood ee la soo dhaafay.
Waxaa uu wasiirka sheegay in Kenya dib loogu soo celiyay 1,000 haween oo kenyaan ah.
Isniintii ayay ahayd markii wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda Dr.Alfred Mutua uu kulan la qaatay wakiillada shirkadaha dadka ka shaqaaleysiiya Sacuudi Carabiya iyo dalalka kale ee carbeed.
Sanadkii hore ayay ahayd markii wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka ay sheegtay in labo sano gudahooda ay Sacuudi Carabiya ku dhinteen 89 qof oo kenyaan ah.