Wasiirka arrimaha dibadda oo ku baaqay in Afrika ay mideyso codkeeda ku aaddan ganacsiga

0
265

Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo qurba joogta Dr .Alfred Mutua ayaa ku baaqay in dowladaha qaaradda Afrika ay hal cod ah ku wajahaan arrimaha ganacsiga si howlahan ay u noqdaan kuwo cadaalad ah.
Arrintan ayuu sheegay ka dib markii uu soo dhaweeyay wakiillo matalaya dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika.
Waxaa magaalada Nairobi ka socdo kal-fadhiga 43-aad ee golaha fulinta AU-da.
Mutua ayaa dowladaha shirkan ka qayb galaya ugu baaqay inay dardargeliyaan isdhexgalka , wadajirka iyo tartamada ganacsi si looga faa’iidaysto fursadaha dhaqaale ee Afrika.
Sidoo kale waxaa uu ku taliyay inay dunida kale si wadajir ah ugu bandhigaan baahida loo qabo la tacaalidda saameynta isbeddelka cimillada iyadoo loo marayo maalgashiyo heer caalami ah.