Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Dr.Alfred Mutua ayaa ka tacsiyadeeyay geerida ku timid safiirkii Kenya ku matalayay dowladda Uganda Dr. Xasan Wasswa Galiwango.
Shalay subax ayuu safiirka ku geeriyooday isbitaalka Nairobi Hospital.
Mutua ayaa xusay inuu murugada la qaybsanaya qoyska uu ka baxay safiirka, shacabka iyo dowladda Uganda.
Dowladda Uganda ayaa bayaan ay soo saartay ku xaqiijisay geerida safiirkeedi Kenya oo sidoo kale u qaabilsanaa dalka Seychelles .
Dr.Galiwango ayaa sidoo kale ahaa wakiilka joogtada ee Uganda ku matalayay barnaamijka arrimaha deegaanka ee qaramada midoobay .
16-kii bishii 6-aad ee sanadkii 2021-kii ayay ahayd markii uu madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni u magacaabay xilka safiirnimo oo uu hayay ilaa inta uu ka geeriyooday.
My condolences to the President, Government and the people of Uganda on the passing of Ugandan High Commissioner to Kenya, Dr. Hassan Wasswa Galiwango, who passed away this morning in Nairobi Hospital. My deepest sympathies to his family. Rest In Peace Ndugu. pic.twitter.com/5FcteNqVbz
— Dr. Alfred N. Mutua (@DrAlfredMutua) January 16, 2023




