Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Hungary Peter Szijjarto ayaa safar ku tagay caasimadda wadanka Ruushka ee Moscow.
Wakaaladda wararka ee TASS ayaa ku warramaysa inuu halkaasi uga qayb geli doono wada hadallo ku saabsan arrimaha tamarta.
Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayuu ku sheegay inuu wada hadal la yeelan doono ku xigeenka ra’iisul wasaaraha Ruushka Alexander Novak oo qaabilsan arrimaha tamarta ka hor inta uunan la kulmin madaxa fulinta ee shirkadda Rosatom Alexei Likhachev.