Wasaaradda arrimaha dibadda iyo qurbajoogta dalka ayaa difaacday go’aanka ay dowladda Kenya qaar ka mid ah ciidamadeeda booliiska ku gaynaysa wadanka Haiti.
Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda Dr. Alfred Mutua ayaa sheegay in tallaabadan la guda galay ka dib codsi Kenya uga yimid dowladda Haiti oo la tacaalaysa amni darro halkaasi ka jirta.
Waxaa uu Mutua beeniyay in qorshaha dowladda uu yahay mid ay gadaal ka riixayaan awoodo caalami ah.
Waxaa uu wasiirku intaasi ku daray inay jiraan ilaa toban dowladood oo kale oo sheegay inay diyaar u yihiin inay Haiti garab ku siiyaan arrimaha ammaanka ama ay maalgeliyaan howlgalka nabad sugidda ee wadankaasi.
Tan iyo markii bishii Toddobaad ee sanadkii 2021-kii la dilay madaxweynihii Haiti ,Jovenel Moïse waxaa dalkaasi ka taagnaa shaqaaqooyin ay saameyn ka dhalatay.