Wasiirka arrimaha baniaadanimada ee Nigeria oo shaqada laga joojiyay

0
309

Madaxweynaha dalka Nigeria Bola Axmad Tinubu ayaa si ku meel gaar ah shaqada uga joojiyay wasiirkii arrimaha baniaadannimada iyo cirib tirka saboolnimada ee wadankaasi Betta Chimaobim Edu.
Tani ayaa timid ka dib markii wasiiradda lagu eedeyay inay akoon bangiyeed oo gaar ah ku wareejisay maaliyadda barnaamijka daryeelka bulshada ee dowladda Nigeria.
Haweeneydan ayaa shaqada laga istaajiyay si degdeg ah si maamulka Nigeria u qaabilsan la dagaallanka musuqmaasuqa uu baaritaano u sameeyo.
Afhayeenka madaxtooyada Nigeria Ajuri Ngelale ayaa bayaan ku sheegay in baaritaannada si qoto dheer loogu eegi doono isticmaalka lacagaha wasaaradda arrimaha baniaadannimada ee ay Betta hoggaaminaysay.
Tallaabada uu qaaday madaxweynaha Nigeria ayaa timid maalin un ka dib markii warbaahinta maxalliga ee wadankaasi ay tabisay in Edu ay akoon shakhsiyeed ku wareejisay 585 milyan oo lacagta Nigeria ee naira una dhiganta 663,000 oo doolar.
Lacagtan ayaa loogu tala galay daryeelka kooxaha nugul ee bulshada.
Wasaaradda ayaa sheegtay in arrintan loo maray habraaca habboon.
Wasiiradda ayaa hoosta ka xarriiqday in aynan wax qalad ah sameyn balse waxaa lagu amray inay shaqada dhinac uga istaagto inta laga soo gabagabeynaya baaritaannada.
Madaxweynaha Nigeria Bola Axmad Tinubu ayaa markii uu sanadkii hore hoggaanka qabtay wacad ku maray inuu si wayn ula dagaallami doono musuqmaasuqa.
Bil ka dib markii la caleema saaray waxaa uu shaqada ka joojiyay madaxii guddiga dembiyada dhaqaale iyo maaliyadeed ee (EFCC) oo lagu eedeeyay ku tagriifal awoodeed.