Wasiirka amniga dalka oo digniin ka soo saaray afduubka been abuurka ah

0
379

Wasiirka arrimaha gudaha iyo maamulka qaranka dalka Kipchumba Murkomen ayaa ka digay in la shageeto afduub been ah oo looga dan leeyahay arrimo siyaasadeed taasi oo uu sheegay inay ku xadgudbayso sharciga dalka.
Wasiir Murkomen ayaa sheegay in tani ay wax u dhimayso amniga qaranka.
Hadalka wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka Kipchumpa Murkomen ayaa imaanaya iyadoo xildhibaanka deegaan Baarlamaaneedka Juja Koimburi lagu eedeeyay in uu isaga is afduubtay si uu dowladda ugu eedeeyo.
Murkoomen oo ka hadlayay kulan uu la qaatay Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa ku celceliyay in afduubka uu yahay fal dambiyeed halis ah, isla markaana isku day kasta oo lagu sameeyo ama laga been abuurto aysan ahayn kaliya ka fiirsasho la’aan balse ay tahay mid sharci darro ah.
Wasaaradda arrimaha gudaha in dowladdu ay ka go’an tahay inay qof walba oo Kenyaan ah ka ilaaliso khataraha ammaankooda, haddana aysan ka laba-labayn doonin in tallaabo sharciga waafaqsan laga qaado shakhsiyaadka lagu helo inay soo saareen khataro dhinaca ammaanka ah.