Wasiirka wasaaradda adeegga dadweynaha ee dalka Moses Kuria ayaa dhakhaatiirta shaqo joojinta ku guda jiro maalinkii 30-aad ku boorriyey in ay dib ugu laabtaan isbitaallada dowladda ee ay ka howlgalayeen.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in wasaaradiisa ay dib u eegis ku sameyn doonto heshiisyada gorgortanka ku saleysan ee la saxiixo.
Moses Kuria ayaa sheegay in aynan suurtagal ahayn in xeer gaar ah loo dejiyo takhasusyada kala duwan.
Wasiirka ayaa tilmaamay in ay socdaan wada tashiyo meesha looga saaraya heshiisyada dhanka mushaaraadka ee lala galo xubnaha leh takhasus gaar ah oo ay dhakhaatiirta ka mid yihiin.
Home Wararka Kenya Wasiirka adeegga dadweynaha oo dhakhaatiirta ugu baaqay in ay shaqooyinkooda ku laabtaan