Wasiirka wasaaradda adeegga dadweynaha ee dalka Geoffrey Ruku ayaa xoghayaha waaxda barnaamijyada gaarka ah faray inuu qaban qaabiyo kulan wada tashi ah oo ay isugu imaanayaan maamullo kala duwan.
Waxaa kulanka looga arrinsan doonaa tallaabooyinka wax looga qabanaya saameynta daadadka iyo dhul go’a ee caasimadda dalka.
Ruku ayaa amarkan bixiyay xilli uu booqday deegaanka Ruaraka ee ismaamulka Nairobi oo ay ku nafwaayeen hooyo ahayd 23 sano jir iyo labo canug oo ay dhashay.
Waxaa uu xusay in daadadka ka dhashay roobabka ay saameeyeen 55 qoysas ah halka ku dhawaad 200 oo ruux ay barakaceen.
Wasiirka ayaa qoysaska ay saameynta soo gaartay u xaqiijiyay in dowladdu ay sii wadi doonto gargaarka ay dadkan u fidinaysa.
Sidoo kale , waxaa uu shaaciyay in dowladda oo kaashanaysa waaxyaha kale ay daadgureyn doonto dadka deggan meelaha halista sare ugu jira fatahaadaha iyo dhul go’a.
Wasiirka ayaa tilmaamay in daadgureynta loo wajihi doono si waafaqsan xeerarka dalka iyo baniaadannimada.
Wasiir Ruku ayaa dadka ku nool meelaha daadadka u nugul ka codsaday in ay si iskood ah ugu guuraan meelo ay ku badbaadi karaan.