Wasiiradda shaqaalaha oo sheegtay inay guri kale u wareegtay

0
297

Wasiiradda wasaaradda shaqaalaha ee dalka Florence Bore ayaa sheegtay in guri ay horay u degtay oo uu muran ka dhashay ay ka baxday habeenimadii ay Talaadada soo galaysay.
Xilli la waydiiyay sababta ay gurigaasi uga guurtay habeennimo ayay ku sheegtay in maalinkii ay shaqeynaysay oo aynan fursad u helin.
Waxay intaasi ku dartay inay go’aankaasi qaadatay ka dib markii xildhibaanka deegaanka Gatanga Edward Muriu oo ah milkiilaha gurigaasi oo ku yaalla xaafadda Karen balse ay ku heshiiyeen inay ka iibsato uu u celiyay boqolkiiba 10 ee qiimaha guriga oo ah 120 milyan oo shilin.
Florence Bore ayaa dhanka kale iska fogeysay eedeyn loo jeediyay oo ahayd inay gurigaasi si awood ah ku degtay.