Wasiiradda oo hoggaamin doono dhir beeridda

0
231

Wasiirrada dowladda dhexe ayaa kenyaanka ku hoggaamin doono in ay geedo ku beeraan ismaamullada kala duwan.
Dowladda ayaa qorsheynaysa in marka la gaaro sanadka 2032-ka la abuuro 15 bilyan oo geedo ah.
Wasiiradda wasaaradda deegaanka , isbeddelka cimillada iyo kaymaha ee dalka Soipan Tuya ayaa jadwal ay soo saartay waxaa ku cad in xeer ilaaliyaha guud ee qaranka Justin Muturi uu maanta howshan ka billaabi doono kaynta Ngong Hills Forest ee ismaamulka Kajiado.
Talaadada, wasiirka waxbarashada Ezekiel Machogu ayaa hormuud u noqon doono munaasabado geedo lagu abuuraya Sosio, Saboti, Kapolet, iyo Saiwa oo ka tirsan dowlad deegaanka Trans-Nzoia .
Arbacada waxaa kaymaha Hirimana iyo Mwinai ee ismaamulka Tana River lagu beeri doonaa geedo iyadoo uu arrinkan hoggaamin doono wasiirka macdanta iyo dhaqaalaha badaha Salim Mvurya.
Intaasi ka dib waxaa uu u sii gudbi doonaa degmada Pandanguo iyo Harada Lake Kenyatta ee ismaamulka Lamu .
Khamiista, wasiirka dalxiiska ee dalka Alfred Mutua ayaa hoggaamin doono geedo lagu beeraya Muumoni iyo Itikoni ee Kitui iyo Harada Jipe ee ismaamulka Taita Taveta .
Jimcada , wasiirka tamarta ee dalka Davis Chirchir ayaa hoggaamin doono dhir beeridda Londiani iyo Kapnawai ee dowlad deegaanka Kericho.
Sidoo kale wasiirrada ayaa geedaha ku abuuri doono kaymaha Narasha, Mukutani, Koibatek iyo Kamnarok ee ismaamulka Baringo .
Mid kasta oo ka mid ah 22-ka wasiirradood ee dowladda dhexe ayaa lagu wadaa inuu toddobaad kasta ka qayb qaato geedaha la beeraya muddo 6 bilood ah.