Wasiiradda jinsiyadda oo u tacsiyadeysay qoysaska ardaydii ku dhintay shilkii shalay

0
217

Wasiiradda wasaaradda adeegga dadweynaha iyo jinsiyadda Aisha Jumwa ayaa tacsi tiiraanyo leh u dirtay qoysaska dadkii shalay ku dhintay shil laga soo tabiyey inta u dhexeysa magaalooyinka Nakuru iyo Naivasha.
Ugu yaraan 16 arday ah oo dhiganayay jaamacadda Pwani ayaa shilkaasi ku nafwaayay.
Aisha Jumwa ayaa sheegtay inay murugada la qaybsanaysa maamulka jaamacadda iyo qoysaska ay arrintan si gaar ah u saameysay.