Wasiiradda deegaanka oo sheegtay in la baaraya saraakiil ka tirsan waaxda keymaha

0
248

Wasiiradda wasaaradda arrimaha deegaanka iyo keymaha , Soipan Tuya ayaa sheegtay inay jiraan saraakiil dheeraad ah oo ka tirsan adeegga keymaha ee KFS oo baaritaano wajahaya.
Shalay ayay ahayd markii uu madaxweynaha dalka William Ruto amar ku bixiyay in shaqooyinka laga joojiyo 29 ka mid ah shaqaalaha KFS oo ku eedeysan musuqmaasuqa.
Howlwadeennadan ayaa lagu dhaliilay inaynan ka hor tagin falalka lagu xaalufiyo dhirta ee horseedi karo saameyn dhanka deegaanka ah.
Wasiiradda ayaa carrabka ku adkeysay in aynan jirin cid laga gabban doono marka ay timaaddo sifeynta waaxda keymaha ee wadanka.
Waxay intaasi ku dartay in KFS ay kaashanaysa waaxda dambi baarista ee DCI-da si loo helo caddeymo wax ku ool oo ka dhan ah eedeysanayaal dheeraad ah.
Tuya ayaa digniin adag u dirtay dhamaan shaqaalaha adeegga keymaha dalka waxayna sheegtay in sarkaal kasta qaladkiisa ama dayacaadda mas’uuliyadeed lagula xisaabtami doono.
Arrimahan ayaa ku soo beegmaya iyadoo ay dowladda dhexe wado qorsho muddo toban sano gudahooda ah lagu beeraya 15 bilyan oo geedo ah.