Wasiiradda wasaaradda deegaanka , keymaha iyo la tacaalidda isbeddelka cimillada ee dalka, Soipan Tuya ayaa kenyaanka uga mahadcelisay sidii ay u tixgeliyeen baaqii dowladda ee ku aaddanaa in geedo la abuuro.
Waxay bayaan ku sheegtay in dadweynaha oo ay hor kacayaan hoggaamiyaashooda ay waddaniyad muujiyeen.
Soipan Tuya ayaa dhanka kale shacabka ku boorrisay inay sii wadaan inay geedaha beeraan xilli roobaadka.
Qorshaha dowladda ayaa ah in ka hor ciidda Christmas ee sanadkan la abuuro ilaa 500 oo milyan oo geedo ah.
Wasiirrada ayaa xustay in warbixinnada laga helaya ismaamullada kala duwan ee dalka ay muujinayaan in laga sare maray bartilmaameedkii shalay ee ahaa in guud ahaan wadanka lagu abuuro 150 milyan oo geedo ah.
Waxay qof kasta oo shalay geed abuuray ka codsatay inuu iska diiwaangeliyo ablikeeshinka ‘Jaza Miti’ App.
Soipan Tuya ayaa sheegtay in iyadoo matalaysa wasaaradda deegaanka ay qof kasta uga mahadcelinaysa sidoo kalena ku bogaadinaysa doorkii uu arrinkan ka qaatay.